Bishii toddobaad ee sanadkan ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020.
Haseyeeshee farxadii ganacsatada ay qabeen ma noqon mid raagta, waxaana durba murugo iyo walwal hor-leh ay ka qaadeen lacago ay ku sheegeen ‘sharci daro’ oo lagu soo rogay.
Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in lacagaha laga qaado aysan ahayn canshuurta dowladda (Kenya iyo Somalia) iyo tan kirada diyaaradaha midna.
“Waa lacag baad ah, ma aha canshuur. Canshuurta dowladda halkan ayaan ku bixiinnaa (Soomaaliya), tan kirada diyaaraddana Kenya ayaa lagu bixiyaa. Lacag kaloo dheeraad ah oo aan miisaan ahayn, canshuur na ahayn ayaa la bixiyaa” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in lacagtaas ay ku wargeliyeen inay bixyaan ragga iyo dumarka qaadka soo dhiibta ee Kenya jooga.
Lacagahan dheeraadka ah ee ay ganacsatadu sheegeen in laga qaado ayay ku andacoodeen in ay qaataan dad ay ku tilmaameen “ma gafe” oo jooga dhanka Kenya, arrintaasna ay soo socotay in muddo ah. Beeraleyda khaadka ee Kenya ayaa cabasho arrintan la xiriirta u gudbiyay madaxweynaha Kenya, oo balanqaaday in uu wax ka qabanayo.
‘Inaan ganacsiga qaadka iska joojinno ayaan ku dhow nahay’
“Lacagtaas meesha ay u socoto annaga nalooma sheegin, ma gafe ayaa qaata,” ayuu yiri Bashiir oo ka mid ah ganacsatada qaadleyda ee Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray in aysan garaneynin waxa ay yihiin dadka lacagta dheeraadka ah ka qaada.
“Lacagtu ma aha mid dhanka Soomaaliya laga qaado ee waa mid Kenya gudaheeda lagu qaado. Xilligii hadda qaadka la furay ilaa iyo hadda ayey socotaa,” ayuu yiri Bashiir ku daray hadalkiisa.
Waxa uu intaas ku daray in ay qarka u saran yihiin in ay gebi ahaanba joojiyaan ganacsigooda, sababo la xiriira “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado, oo dhan shan doolar kiiladii ba, taas oo ka dheeraad ah lacagaha caadiga ah ee canshuurta ah.
“Shaqada jaadka in la iska joojiyo ayaan ku dhow nahay. dadka deymo ayaa farqaha ugu xiran, oo shaqadan in la iska joojiyo ayey u dhowdahay,” ayuu yiri.
Sacdiya Muxudiin Cali oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada qaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhawr jeer dawlada Soomaaliya u gudbiyeen cabashadooda.
“Waan ku daalnay sida aan ula hadlaynay dowlada Soomaaliya, canshuurtooda keliye ayeey eegtaan, xitaa waan mudaharaadnay maalmo badan laakiin wax dheg jalaq noo siiyay ma laha. dad masaakiin ah oo lagu tunto ayaa nahay,” ayey tiri Sacdiya Muxdiin.
Caqabad ka jirta xitaa dhinaca Kenya
Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee magaalada Maua oo ka mid ah meelaha Qaadka laga keeno, Maxamed Quraysh Macalim ayaa qiray in ay jirto “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado ganacsatada qaadka.
“Waxay soo billaabatay xilligii corona-há oo shaqada ay istaagtay haddana labada dowladood ay cilaaqad sameeyeen oo xoogaa shaqada naloo billaabay,” ayuu yiri.
Isagoo sii sharraxaya waxa ay lacagtaas tahay ayuu yiri: “Sida aan hadda u heysanno waxay nala tahay in ay yihiin qolooyin dhexda wax ka hagaagsaday. Dadkii Jaadka gadayay ee xagga Muqdisho ku ganacsanayay dhowr jeer bey dowladdaas u cawdeen oo ay xitaa bannaanbax dhowr jeer [sameeyeen], annaga lafteennana cabasho waan gudbinnay.”
Maxamed Quraysh ayaa xusay in suuqa xumaaday ay uga sii darayaan dhibaatada abaarta ka dhalaty iyo qiimaha nolosha ee sare u kacay, taas oo nolosha ku adkeysay ganacsatada qaadka iyo beeraleyda tacabta.
Arrintan ayaa waxay hoos u dhigtay qaadka horay Soomaaliya loogu dhoofin jiray.
Saddex sano kahor inta aan la joojin dhoofinta qaadka, 50 tan ayey ganacsatada maalin walba u diri jirin Soomaaliya laakin hadda waxay dhoofiyaan 19.2 tan oo keliya, sida uu noo sheegay maamulka ganacsatada qaadka.
Codsiga Ganacsatada
Bishaar Axmed oo dhanka Soomaaliya uga ganacsada Qaadka ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka codsaday in ay arrintan wax ka qabtaan oo qiimihii hore ee ay Qaadka ku iibsan jireen lagu soo celiyo.
“Waxaan codsan lahaa, in Qaadka beeciisii hore lagu soo celiyo, shacabkana sidaa ayaa u roon, ganacsatadana jeebkooda sidaa ayaa u faa’ido badan oo u fiican,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee dhanka Kenya ayaa isna dhankiisa soo jeediyey in meesha laga saaro dallaaliinta si ay ugu ganacsadaan si xor ah.
Ballan-qaadka madaxweeynaha Kenya
Madaxweeynaha Kenya, William Ruto oo mahad naq u tagay magaalada Maua inta aan xilka loo dhaarinin ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu “si adag wax uga qaban doono dallaallinta dhibka ku haya”.
“Maadaama aad isoo doorateen waxaad ii dhiibteen ul aan ku garraaco dadkaan idin dhibaya, marka xilka la ii dhaariyo horay ayaan ka bilaabaaya dadkaan (dallaaliinta) inaan wax ka qabto,” ayuu yiri Madaxweyne William Ruto.
Madaxweeynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu toddobaadkaasi gudihiisa oo ah toddobaadka xilka loo dhaariyey la kulmayo madaxweeynaha Soomaaliya oo Kenya u joogay ka qeyb galka xafladda dhaarintiisa, wuxuuna yiri. “Waxaan la kulmaaya madaxweeynaha Soomaaliya, arintiinna Qaadka waxay ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee aan kala hadli doono madaxweeynaha Soomaaliya”.
“Dalaalleyda yeysan idin cabsi gelinin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Maadaama uu aad hoos ugu dhacay Qaadkii loo dhoofin jiray Soomaaliya oo ahaa suuqa ugu ballaaran ganacsatada Qaadka Kenya, hadda waxay Qaadka intiisa badan u diraan gobolka waqooyi bari ee Kenya.
Horay ayey caqabado waaweyn usoo wajaheen ganacsatada Qaadka, iyadoo dhowr sano ka hor ay mar dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gebi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday Qaadka uga imaada Kenya ka dib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay labada dal.
Saraakiisha Dowladda federaalka Soomaaliya oo aan isku daynay in aan la hadalno si aan wax uga weydiinno arrimaha ku saabsan lacagaha dheeraadka ah ah ee ganacsatada qaadka sheegeen in laga qaado noogama aysan soo jawaabin farriimaha aan u dirnay.
Discussion about this post