Categories
Africa-East

Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya oo qarka u saaran inuu joogsado

[ad_1]

Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii toddobaad  ee sanadkan ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020.

Haseyeeshee farxadii ganacsatada ay qabeen ma noqon mid raagta, waxaana durba murugo iyo walwal hor-leh ay ka qaadeen lacago ay ku sheegeen ‘sharci daro’ oo lagu soo rogay.

Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in lacagaha laga qaado aysan ahayn canshuurta dowladda (Kenya iyo Somalia) iyo tan kirada diyaaradaha midna.

“Waa lacag baad ah, ma aha canshuur. Canshuurta dowladda halkan ayaan ku bixiinnaa (Soomaaliya), tan kirada diyaaraddana Kenya ayaa lagu bixiyaa. Lacag kaloo dheeraad ah oo aan miisaan ahayn, canshuur na ahayn ayaa la bixiyaa” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in lacagtaas ay ku wargeliyeen inay bixyaan ragga iyo dumarka qaadka soo dhiibta ee Kenya jooga.

[ad_2]

Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *